Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Maanta Lagu Dooranayo Garoowe

0

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa maanta ka dhacaysa Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas taasi oo horey loo shaaciyay in ay 8-January 2024 ay dhici doonto, kadib khilaafyo soo jiitamayay.

 

Ilaa 11 Musharax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland halka Madaxweyne ku-xigeenka ay u taagan yihiin tiro 11kale uusan ku jirin Madaxweyne ku-xigeenka haatan waqtiga ka dhamaaday.

 

Magaaladda Garoowe waxaa xalay laga dareemaya loolanka arrinta doorashadda waxaa socday kulamo dhexmaray Xildhibaanadda iyo musharixiinta u taagan Xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

 

Musharixiin uu ku jiro Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Saciid C/laahi Deni ayaa xildhibaanadda siiyay xalay lacago u dhaxeeyo 40-ilaa 80kun kuwaasi ay kaga codsanayeen in ay codka siiyaan maanta.

 

Lacagaha  ugu badan ee la bixiyey ayaa laga helay sida ay xaqiijiyaan ilo lagu kalsoonan karo, dawladda Faderaalka Soomaaliya oo taageero siinaysa qaar kamid ah Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland, Maamulka Somaliland oo dagaal kala dhaxeeyo Puntland,Xisbigii uu hogaamiyay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo,Qaar kamid ah Dawladdaha Carabta, ,iyo dilaalin siyaasadeed oo ay ku jiraan shirkado ganacsi oo waa weyn.

 

Sidoo kale waxaa jiray musharixiin xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Puntland u balan qaaday in ay siin doonaan jagooyin wasiiro iyo ku-xigeeno hadii ay maanta codka siiyaan.

 

Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la hadalyaa in ay ku tartami doonaan Madaxweynaha haatan xilka haya Saciid C/laahi Deni, iyo wasiiradii arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, iyo Abshir Jaamac Haruuse.

 

Xubnahaan ayaa laga yabaa in ay isla aadaan ilaa wareega ugu dambeeyay ee doorashadda kaasi oo lagu kala baxayo.

 

Sidaasi oo kale xilka Madaxweyne ku-xigeenka  Maamulka Puntland oo ay loollan ugu jiraan 11 kale, waxa ilaa hadda si weyn u muuqda laba musharrax oo gobolka Sool ah, walow ay ku haystaan musharrixiin gobollo kale ah waxkastase waa isbeddeli karaan.

 

Doorashadan waxa indhaha ku haya saakay Soomaali oo dhan, waxaana dadka falanqeeya ay tilmaamayaan in ay hordhac u tahay doorashada Soomaaliya ee 2026.

 

Amaanka magaaladda Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa amniga sugaya ciidamadda kala duwan ee Maamulka Puntland.

Gudiga amniga Doorashada PL ayaa soosaaray go’aamo cusub oo la xiriira amniga Doorashada Puntland,waxayna fariin u direen shacabka deeganadda Maamulka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska PL Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa warbaahinta lawadaagay go’aamadda ay soo saareen.

 

Cadde Muuse Xirsi AUN oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee PL ee doorasho uu qayb ka yahay qabta 2009-kii wuxuu wareegga koowaad helay 8cod, halka faroole uu wareegga koowaad helay 2014-kii 27 cod wuxuuna u gudbay wareegga labaad waxaana ka guulaysta murashaxii kaalinta labaad joogay Abdiwali Maxamed Cali Gaas oo haystay 13cod.

 

Maanta oo kale January 8, 2019-kii Madaxweyne Deni ayaa ku guuleystay xilka madaxweynaha Maamulka Puntland,kadib markii wareegii ugu dambeeyay kaga guuleystay Jeneraal Asad Cismaan oo xiligaas helay codod gaaraya 32-cod halka Saciid Deni uu helay 35cod.

 

Deni ayaa haatan la kulmaya loolan adag oo kaga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo,balse wuxuu rajeynayaa in uu dib usoo laabto.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here