Wasiirkii Gaashaandhiga SL oo Isku casilay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

0

Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay jagadii wasiirnimo kadib markii uu ka hor yimid heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

 

Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Somaliland ayuu ku sheegay in uusan ku qancin heshiiska Ethopia iyo Somaliland.

 

“Waxaan isku casilay in madaxweynuhu uu 20 kilomitir oo badeena ah uu siinayo Xabashida aniguna ra’yi ahaantayda waan kasoo horjeedaa, madaama oo dhul horena inagaga maqnaa Xabashida, cadawga kowaad ee Soomaaliduna in ay Itoobiyaan tahay mid yar iyo mid wayniba wuu ogyahay”.

 

Waxa uu sheegay in madaxweynaha ay maanta kulmeen, isla markaana uu u sheegay in aanu aaminsanayn in ay haboontahay in ciidan Itoobiyaan ahi dhulka Somaliland yimaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here