Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo Soo Dhaweeyay Wada-hadalka Somaliya iyo Somaliland

0

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in shirka Jabuuti uu u muuqdo mid midaynaya Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Firdhiye oo goob fagaare ah dadweyne kala hadlay, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in shirka Jabuuti uu fure u noqday in Somaliland iyo Soomaaliya dib u midoobaan.

 

“Shirka waxan u rajaynayaa in uu noqdo kii lagu ibo furi lahaa midnimada Soomaaliya, oo kooxdaa gooni u goosad ka ahi ay ka tanaasulaan fikirkii duugoobay” ayuu yidhi Hoggaamiye Firdhiyr.

 

Waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland oo heshiiska ka saxeexay dhinaca Somaliland uu caddaynayo in Somaliland ay usoo dabacday midnimada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here