Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa kasoo horjeestay wararka sheegaya in Laascaanood ay dib ula midoobayso Maamulka Puntland.
Firdhiye oo la hadlay dadwayne soo buux dhaafiyay afaafka hore ee qasrigiisa Laascaanood oo doonayay in loo caddeeyo masiirka SSC Khaatumo, ayaa sheegay in talada SSC Khaatumo anay ahayn wax fudud oo qof go’aan ka gaadhi karo.
“Talada SSC Khaatumo wax garaad tuurta ku qaato ka wayn, wax Cabdiqaadir ku talo bixikarayana maaha, talada SSC Khaatumo maanta waxay ka go’ada kii dhintay ee xabaasha lagu riday, waxay ka go’ada kii ki dhaawacmay, ka difaaca ku jiray ka go’ada” ayuu yidhi Firdhiye.

