Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiiladda Puntland, ee lagu muransan yahay, ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay qabashada araajida xildhibaanada, iyagoo soo saaray sharuudaha laga rabo xildhibaanka.
Shaacintooda ayaa kusoo aaday, kadib markii ciidamo katirsan kuwa mariiniska Puntland oo ka amar qaadanayay madaxtooyada, ay la wareegeen xarunta baarlamaanka Puntland, halkaas oo la dajiyay guddigaan.


