Ciidamada ATMIS oo Ka Baxaya Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya

0

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa 16-sano ka dib baneyn doona berri oo Axad ah fariisimaha ay ku leeyihiin xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ciidamada ATMIS ayaa sanadihii la soo dhaafay ku howlanaa sugida ammaanka xarunta Madaxtooyada oo ay ku jiraan xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale xarunta Baarlamaanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa tilmaamay in Ciidamada Qalabka Sida ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda sugidda ammaanka xarumahan, ka dib marka ay isaga baxaan ciidamada Afrikaanka ah.

Waxaa xusid mudan in maalinta berri oo Axad ah xarunta madaxtooyada lagu qaban doono munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Afrikaanka ah oo loogu mahadcelinayo dadaalka ay ugu jireen xaqiijinta amniga xarumo muhiim ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here