Ciidamadda Dowladda oo Maanta La Wareegaya Amaanka Villa Soomaaliya

0

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa Booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu wadaa in maanta ay si rasmi ah ula wareegaan amniga guud ee madaxtooyada dalka,oo ay gacanta ku hayeen Ciidamadda ATMIS.

 

Ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa wareejinaya sanado badan kadib amniga madaxtooyada dalka oo ay dagan yihiin madaxda ugu sareysa Soomaaliya.

 

Xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku yaala Xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka, waxaana tan iyo sanadkii 2007-dii gacanta ku hayay amnigeeda ciidanka Midowga Afrika oo kusoo howl bilaabay magaca AMISOM, haatana ku shaqeeya magaca ATMIS.

 

Talaabadaan ayaa hordhac u ah la wareegida amniga guud ee Soomaaliya ee ciidanka qalabka, waxaana la filayaa in ciidanka nabbad ilalainta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib uga baxaan dalka ilaa dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.

 

Ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekadda weyn ee Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here