Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte Cismaan oo Boqolaal ciidanka degaanka kula hadlayay deegaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada faray in la dar-dargaliyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta
Cali jeyte ayaa ciidanka u sheegay in ay ku filnaadaan oo cadawga ka difacaan degaannada katirsan gobolka Hiiraan,halka meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan shabaab ay tahay in laga sifeeyo si bulshada gobolka u hesho amin buuxo
Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda ayaa sidoo kale ciidanka u sheegay in ay u diyaar garowaan howlgal ka duwan kuwii hore oo shabaab looga saarayo degaannada iyo guud ahaan dalka, isagoo faray in meel walba ay ku baacsdaan shabaab.
Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab kawada deegaanno badan oo katirsan gobollada Hirshabeelle Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland halkaas oo shabaab khasaara xooggan lagu gaarsiiyay.

