Deni oo Ku Dhawaaqay inay Puntland Ku Laabatay Doorashadii 66 Xildhibaan

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad uu ka jeediyey magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Puntland ay ku soo laaban doonto hannaankii hore ee doorashada, iyadoo lagu qaban doono waqtigeeda 8-da Janaayo.

“Aniga oo u damqanaya bulshadaydii, aniga oo dareensan duruufaha ku xeeran, aniga oo tixgelinaya haweenkii ku umulay iyaga oo codka bixinaya, waxaan aad uga xumahay go’aan aydan ku farxayn inaan qaato oo Puntland 8da January doorasho ka dhacdo.” ayuu yiri madaxweynaha.

Talaabada uu qaaday Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Isimmada SSC-Khaatumo ay go’aamo kasoo saareen ismarin-waaga siyaasadeed ee ka taagan Putnland iayaga oo soo jeeday in doorashadii hore lagu laabto laguna qabto xilligeeda.

Go’aanka madaxweynaha dhawaan xilka ka degaya ee uu kaga gaabsaday in uu muddo kororsi sameeyo ayaa yimid ka dib ololaha ay mucaaridku muddo dheer wadeen oo lagu ilaalinayey dimoqraadiyadda Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here