Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Saciid Faarax Juxa, oo guddoomiye u ah guddi uu madaxweyne Deni u magacaabay inay wada xaajood la yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in aanay waxba ka suurto galin wada hadalada labada dhinac.
Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradku inay ka cago jiideen inay la fariistaan guddiga todobada xubnood ah ee uu isagu hoggaamiyo. wuxuu sheegay in aanay u muuqaan inay diyaar u yihiin wada xaajoodka.
“Waan u tagnay, waan la hadalnay, waan xiriirnay, halkaas ayay kusoo ururtay inay ka gaabsadaan inay nala xaajoodaan,” ayuu yiri wasii Juxa oo rajo xumo ka muujiyay inay mucaaradku oggolaadaan in la wada hadlo.

