Somali-land oo Diiday Ku Biirista Soomaaliya Ururka Bariga Afrika

0

Somaliland ayaa ka biyo diiday ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

 

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda, ayaa lagu cambaareeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka, iyada oo lagu sheegay in ay tahay talaabo lidi ku ah madaxbaannida Somaliland.

 

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland anay qayb ka ahayn Soomaaliya tan iyo 1991, isla markaana Soomaaliya anay sheegan karin dhulka Somaliland, oo anay meelna ku matali karin, isla markaana ay tahay arrin sharciyada lidi ku ah.

 

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxa aanu aaminsanahay in ay tahay meel ka dhac cad oo loo gaystay madaxbannaanida Somaliland”.

 

“Waxaanu ugu baaqaynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Bulshada Bariga Afrika, in ay aqoonsadaan aqoonsiga gaar ka ah ee Somaliland, iyo madaxbannaanideeda. Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC, waa xabaal cadaalad daro taasi oo xagaldaacdinaysa sharciga caalamiga ah”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here