Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda magaaladda garoowe ee Caasimadda Puntland.
Ajandaha fadhiga Baarlamanka Puntland ee saaka oo Axadda ah ayaa gebi ahaanba laga saaray xeerka doorashooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay.
Wararka ayaa sheegaya in qodobkaas ajandaha looga saaray, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada Baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.
Dhinaca kale, guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddi ka kooban 10 xubnood oo ay iska soo saareen haween muddaharaad ka dhigayay afaafka hore ee xarunta golaha, kuwaas oo xildhibaannada ka dalbanayay in ay nabadda u hiilliyaan.
Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaridka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.

