Madaxweynaha maamul juba-land Mudane Axmed Maxamed islaam Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta dib ugu laabtay magaalada kismaayo ee xarunta Gobolada Jubada Hoose kadib socdaal maalmo qaatay oo uu ku tageen isaga iyo wafdigiisa dalka imaaraadka carabta.
Madaxweyne axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose iyadoona ay uga hortageen garoonka qaar ka tirsam masuuliyiinta maamulka juba-land iyo saraakiil ciidan.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib howlka martida ee garoonka kula hadlay saxaafada isaga oo ka war bixiyay socdaalka ay kutageen imaaraadka carabata iyo natiijada ay ka la soo labteen madaxweynaha ayaaa sidoo kale sheegay in dhawaan ciidamada juba-land ay qaadayaan how-gal ka dhan ah xarakada al-shabaab ee ku sugab deegaanada uu ka arimiyo maamulka juba-land.
Hadalka madxweynaha ayaa imanaya xili deegaano ku magacaaban juba-land ay ka arimiyaan xarakada al-shabaab

