Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo kulan gaar ah kula qaatay qaar badan oo kamid ah xildhibaannada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed .
Laftagareen ayaa xildhibaannadan ku casuumay in ay yimaadaan magaalada Baydhabo si ay wadatashiyo uga yeeshaan arrimo xasaasi ah, waxaana maanta kulankii ugu horeeyay yeeshay madaxweyne Laftagareen iyo xildhibaannada labada aqal ee Baydhabo tagay.
Kulanka dhax maray madaxweyne Laftagareen iyo xildhibaannadda laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin bilaabida howlgalo ka dhan ah Al Shabaab iyo sidoo kale saameynta ka dhalatay fatahaada.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii xildhibaannadan laga soo doortay Koonfur Galbeed u meel marin lahaayeen heshiiskii golaha wadatashiga Qaran ee wax looga bedelayo qaar kamid ah qodobada dastuurka ee dalka u yaalla.
Madaxweyne Laftagareen ayaana ka codsaday xildhibaannada uu la kulmay in ay taageeraan wax ka bedelka dastuurka, si loo meel mariyo rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh.

