Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Gaaray Magaaladda London

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa  gaaray magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

 

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiis ayaa waxay ka qeyb-galyaan shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaliya C/qaadir Cali Dige ayaa ka warbixiyay ujeedka Madaxweyne Xasan Shiikh ee Magaaladda London,iyo waxyaabaha Dowladda Somaaliya la hortagi doonto shirka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here