Toogasho Lagu Fuliyay Askari Dhawaan Dil Ka Geystay Guriceel

0

Fagaare ku yaala Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa saakay lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida oo bishaan dil ugu geystay gudaha magaaladaasi Cabdullaahi Cali Hudey oo ahaa nin la dhashay taliyaha Booliiska Saldhigga degmada Guriceel.

 

Askari dilka toogashada ah lagu fuliyay saakay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Cali Axmed, kaasoo la sheegay inuu si bareer ah u  dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Hudey.

 

Askariga la toogtay ayaa maalmo kooban ka hor waxaa xukun dil toogasho ah ku riday Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kadib markii ay ku cadaatay inuu dilka geystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here