Magaaladda Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa ka jirta cabsidii ugu badneyd ee ku aadan in dagaal magaaladaas uu ka dhaco,kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamadda Mucaaradka iyo kuwa Madaxtooyadda.
Magaaladaas waxaa lagu arkayaa Ciidamo kala taabacsan kuwa mucaaradka iyo Madaxtooyadda Maamulka Puntland kuwaasi oo ka yimid dhanka magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari,kadib markii saakay wadooyinka qaar ay xirteen xubnaha mucaaradka.
Shacabka magaaladda ayaa bilaabay saakay in ay ka barakacaan guryahooda,kadib markii ay cabsi badan ay ka muujiyeen ciidamadda magaalada isku hor fadhiya.
Waxaa xiran goobaha Ganacsiga iyo waxbarashadda cabsi laga qabo colaadda ka taagan magaaladda Garoowe, oo xili walba suurtagal ay tahay in dagaal uu dhexmaro dhinacyadda is haya.
Magaaladda Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga kororsado.
Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa mucaaradka Maamulka Puntland ugu baaqay in Miiska Wada-hadalka yimaadaan islamarkaana ay soo bandhigaan qorshahooda.
Madaxweyne Deni ayaa doonaya in Puntland lagu qabto doorasho qof iyo cod,islamarkaana ay ka gudbo nidaaamkii odayaasha kusoo dooranayeen Xildhibaanada Golaha wakiiladda.
Balse mucaaradka Saciid Deni ayaa diiday qorshe walba uu wato Madaxweynaha maamulka Puntland waxayna sheegeen in doorashadda la qabanayo 8-bisha January 2024-ka.
Jun 20, 2023 waxaa magaaladda ka dhacay dagaal dad badan ku dhinteen,kaasi oo dhexmaray Ciidamadda Mucaaradka iyo kuwa madaxtooyadda kadib isbadal lagu sameeyay Dastuurka maamulka.

