Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni, Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka PEC, Fu’aad Adeer ayaa xalay Madaxtooyadda Puntland ee Magaaladda Garoowe ku yeeshay kulan saacado qaatay.
Kulanka ayaa la sheegay in loogu arinsaday doorashooyinka madaxtinimo Puntland, hannaanka qof iyo cod iyo meelmarinta xeerka doorashooyinka oo la filayo in golaha la horgeeyo todobaadkan.
Golaha wakiiladda Puntland oo ku jira kalfadhigooda ugu dambeeyay ayaa la qorshaynayaa in la horgeeyo qorshaha uu damacsan yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland ee ku aadan in doorasho qof iyo cod.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyada kulmay ay isku afgarteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqaajiyo qorshaha Madaxtooyadda Maamulka Puntland ee doorasho qof iyo cod,lagana gudbo doorashadii soo jireenka aheyn ee odayaasha.
Dhanka kale waxaa jiray kulanka dhexmaray madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ay kaga wada-hadleen ismarin-waaga doorashada madaxtino oo xukuumaddu dooneyso in ay ku dhacdo qof iyo cod balse siyaasiyaasiyiinta mucaaridku diidan yihiin.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ku adkeysanaya qorshihiisa ku aadan in Puntland lagu qabto doorasho qof iyo cod,islamarkaana meesha laga saaro doorashooyinkii soo jireenka ahaa ee odayaasha ay soo dooran jireen Xildhibaanadda Golaha wakiiladda Puntland.
Wuxuu dhowr jeer oo hore ka hor yimid talooyin ay usoo jeediyeen isimadda dhaqanka Puntland ee ku aadan in doorashadda qof iyo cod dib loo dhigo,islamarkaana Xildhibaanadda golaha wakiiladda ay soo doortaan odayaasha dhaqanka.
Xubnaha Mucaaaradka Maamulka Puntland ayaa dhankooda ku hanjabay in hubka ay qaadan doonaan hadii doorashada ay dhaafo 8-January.

