Maxkamadda CQS oo La Horgeeyaya Xubno Dowladda Ka Tirsanaa oo Shabaab ku Eedeysan

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay 11 xubnood oo u badan guddoomiye laameedyo katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ku eedeysan inay kooxda Shabaab xiriir la lahaayeen.

 

Guddoomiyayashan  oo isugu jira rag dumar, ayaa xeer ilaalinta maxkamaddu waxay kusoo eedeysay inay qeyb ka ahaayeen shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo gudbin jiray xogaha la xiriira dilalka iyo qaraxyada Muqdisho.

 

Guddoomiye Laameedyada ayay xeer ilaalintu sheegtay inay qaar kamid ah qirteen in ay ku lug lahaayeen in ay Shabaab kala shaqeeyeen dilalka saraakiil dowladda katirsan iyo qaraxyo uu kamid yahay Qaraxii Soobe two.

 

Xeer ilaalinta waxay kaloo sheegtay in shabakadan ay xafiis ku lahaayeen suuqa bakaaraha, halkaas oo lagasoo qabtay qof eedeysane ah oo kombuutarkiisa laga helay magacyada afgarashada u ah guddoomiyayaasha iyo shakhsiyaad kale oo hay’adaha amnigu ay raadinayaan.

 

Dhinaca kale, Qareenada difaacaya eedeysanayaasha ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin dambiyada lagusoo oogay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here