Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii aynu dhaafnay waxay dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab kala wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Al-shabaab kala wareegay Gacan ku haynta deegaanka Eel-Boon Oo Qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool.
Howlgalka xoreynta Eel – Boon ayaa Al-shabaab looga Furtay sida ay sheegeen saraakisha Ciidamadda howlgalka hogaaminayay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaankaas.
Dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260aad Ee Guutada 9aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in deegaanka lagala wareegay Al-shabaab,islamarkaana ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay deegaanka ku sugan yihiin.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in qorshahooda uu yahay ay gaaraan deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool ay Al-shabaab ku sugan yihiin.
Dhanka kale waxaa socda abaabul dagaal uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda soomaaliya kaasi oo dowladda ku doonayso in Al-shabaab lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Bakool.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiintii wehlisay oo la hadlay Ciidaanka qalabka sida ayaa ku dhiiragaliyay shaqada adag ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in loo baahan inay sii laba-laaban maadama xilligan lagu jiro dagaal ka dhan ah al-shabaab oo la doonayo in dalka looga sifeeyo.
Ciidamada qalabka sida ee ku sugan fadhiyada kala duwan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa shaqo xooggan ka qabtay dhanka sugida amniga, iyaga oo haatanna u diyar garoobaya dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab iyo wajiga labaad dagaalka.
Al-shabaab ayaa wali gacanta ku haya Magaalooyin badan oo ka Tirsan Bakool, Sida Degmadda Caanka ah ee Tiyeglow iyo deegaano kale kuwaasi oo Dowladda sheegtay in dhibaatooyin kala kulmayaan shacabka madaama loo diiday in gaarsiiyo adeegyada aaaasiga ah sida waxbarashadda iyo Caafimaadka.






