Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saakay lagu weeraray saldhiga Ciidamadda Dowladda ee Deegaanka Ceelasha biyaha duleedka Muqdisho.
“Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah ayaa beegsaday saldhigga ciidamada ee loo yaqaan Boolis Millataariyo waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh”.ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al-shabaab.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaan lagu khaarijiyay 49askari oo saraakiil ay ku jirto, sidoo kalana lagu burburiyay saldhigii deegaanka Ceelasha Biyaha.
Sababaha loo fuliyay ay shabaab ku sheegeen in Ciidamadda boolis Malatariyo ay dhibaatooyin ay ku hayeen shacabka Deegaanka Ceelasha biyaha sida dhac.

