Qarax Ismiidaamin ahaa oo Lagu Weeraray Saldhiga Ceelasha  Biyaha

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ahaa oo saakay aroortii lala beegsaday Saldhig Ciidamadda boolis Malatariyo ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka magaaaladda Muqdisho.

 

Sida aan wararka ku heleyno qaraxan oo loo adeegsaday gaari nuuca aan xabadaha karin oo Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, ayaa ku qarxay xerada ay degan yihiin  ciidanka ammaanka ee ku sugan Ceelasha Biyaha.

 

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaasi kasoo qaaday askarta dhaawacantay.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil iyo askar badan in ay  ku dhinteen qaraxa,madaama uu gaariga gudaha u galay xiradda ay daganaayeen askar badan.

 

Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here