Muuse Biixi oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga

0

Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Axmed Aadan Jaamac, kadib muuqaal la sheegay in si sir ah looga duubay wasiirka.

Wasiirka ayaa xilka laga qaaday kadib markii uu soo baxay muuqaal la sheegay in wasiirku uu ku dhaliilay madaxweyne Biixi, isaga oo ku eedeeyay in uu samaystay ciidamo uu u adeegsado afduubka dadka, iyo in arrimo la xidhiidha dagaalka Laascaanood.

Muuqaalkan oo la sheegay in wasiirka si qarsoodi ah looga duubay xili uu ku sugnaa Isutaga Imaaraatka Carabta, ayaa la aaminsanyahay in uu sabab u ahaa xilka qaadistiisa.

Wasiirka ayaa saaka la arkay isaga oo magaalada dhexdheeda la lugaynaya madaxweynaha iyo wasiiro kale, kadibna sacad kadib waxa soo baxday xilka qaadistiisa, lama xaqiijin karo in muuqaalka dartii xilka looga qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here