Qoor-qoor oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Galmudug

0

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo wareegto soo saaray ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada maamulkaasi, Cabdirisaaq Maxamed Maxamud.

 

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamud. Madaxweynaha ayaa faray Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Liibaan Cabdi Maxamed in uu sii wado howlaha wasaaradda” ayaa lagu yiri.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here