Magaaladda Muqdisho waxaa dib loogu soo celiyay Dhalinyaradii Somaaliyeed ee Tababarka Ciidan ugu maqnaa dalka Eretria shantii sano aynu soo dhaafnay.
Diyaarado sida Ciidamada lagu soo tababaray dalka Eretria, ayaa galinkii dambe ilaa xalay kasoo dagayay garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.
Ciidamada laga soo celinayo Eritrea qaarkood waxay dalka ka maqnaayeen in ka badan shan sano, waxayna ciidamadaan soo mareen tababarrada ugu adag ee ciidan la siiyo, maadaama dowladda gacanta ku heysay ee Eritrea ay tahay mid ku ad-adag arrimaha ciidanka.
Waxaa la xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho si loogu fogaado in waxyeelo la kulmaan askarta dalka dib loogu soo celiyay.
Dhanka kale dadka reer Muqdisho ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda, iyagoo soo dhaweynaya ciidamada laga soo daabulayo dalka Eritrea oo tababar adag ay ku soo mareen.
Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamadaan ugu talagashay in kaalin weyn ka qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,kaasi oo ka bilaaban doona Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Jubbaland.
