Xasan Shiikh oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyhii Jamacadda Ummadda,

0

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyhii Jamacadda Ummadda, Dr Xasan Cumar Mahad-Allah.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xil ka qaadista kaddib, wuxuu si kumeel gaar ah guddoomiyaha jaamacadda ummadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

Wasiirka Waxbarashada oo ah guddoomiyaha guddiga sare ee Jamacadda Ummadda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Gacal.

Lama oga xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyaha jaamacadda ummadda inay la xiriirto baxsashadii madaxii Kulliyadda Arrimaha Bulshadda Qeybta Saxaafadda Nageeye Cali Khaliif oo ku biiray Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here