Dowladda oo Sheegtay in Howlgalkii Shabeelow Lagu Dilay 20 Shabaab ah

0

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Xalay ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga  dhacay deegaanka Shabeelow, islamarkaana lagu beegsaday xubno ka mid ah Al-shabaab oo ku dhuumanayay howdka deegaankaas oo dhaca Koonfurta Mudug.

 

“Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan shabaab ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay shabaab uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here