Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaaban doona deegaanada maamulkaas.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka Xooga dalka, gudoomiyaasha Maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta gareen ayaa shirka ka sheegay in si toos ah uu u bilaabanayo dagaalka Al-shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.
“Waa soo dhamaaday in difaac looga jiro kooxda Shabaab, maanta laga bilaabo waxaa bilaabanaya dagaal fadhi dambe ma jiri doono waa inaan cadawga iska xureyna oo aan isaga dulqaadno sida reer Hirshabeelle iyo Galmudug isaga saareen” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Koonfur Galbeed in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Shabaab oo haatan maraya heer gabagabo ah .

