Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay kulamo xasaasi ah oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanadda Al-shabaab.
Magaaladda waxaa muddo laba bil ah ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,waxaa shalay gaaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Magaaladda waxaa shalay ilaa xalay ka dhacay kulamo u dhaxeeyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyo Madaxweynayaasha Maamuladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen.
Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyo sidii loo dardargalin lahaa dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda Deeganadda Hir-shabelle iyo Galmudug.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankooda diiradda ku saaray xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Siyaasiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkaan Magaaladda Dhuusa-mareeb kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxayna hordhigeen caqabadaha jira, iyo sida la rabaan dhismaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Koonfur galbeed Soomaaliya Lafta-gareen uu aqbalay in la xaliyo tabashooyinka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana ay doorashadda waqtigeeda ku dhici doonto.
Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa haatan ah halka loogu arrimiyo siyaasadda Soomaaliya,waxaana muddo labo bilk u shaqeynaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa halkaas u joogay sidii loo dhameytiri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,waxayna dowladda Al-shabaab kala wareegtay degmooyin iyo deegaano gacanteeda ka maqnaa muddo sanado ah.

