Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Saldhig dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmadda Bu’aalle ee Gobolka Jubadda Dhexe.
Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday saldhig ay ku shirsanaayeen Madaxda Al-shabaab,islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay.
“Xalay abbaare Sideeddii fiidnimo ayaa duqeymo dhanka Cirka lala beegsaday seddex saldhig oo shabaab ku lahaayeen Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeeynta ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Sasxiibbadooda Calaamaka.
Sedexda goob ee duqeynta ka dhacdey ayaa waxaa kamid ah.
1-Dhismaha xarunta. Degmada,2- Xero Tababar oo maleeshiyaadka khawaarijta ku lahaayeen Duleedka Bu’aale aaga masjidka dabaqa,3-Dhismo ku yaallo Buundada Bu’aale ee malleeshiyaadka khawaarijtu ay ku shirayeen.
Waxaa jiro khasaaro xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhawac oo la gaarsiiyay Madaxda iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Maalmihii ugu dambeeyay dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab waxay bilaabeen inay gaadiidka kala dagaan dhalinyaradda safarka ah”, ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya.

