Madaxweynaha Jabuuti oo Ka Digay in Somaliya Noqoto Sida Afganistaan

0

Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u taageerey in dib loo dhigo xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii September ee tagtay si rasmi ah codsatay in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka.

Bisha December ee sanadka 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka TRT World ayaa sheegay in haddii ay ciidamada ATMIS Soomaaliya ka baxaan iyada oo aan la diyaar garoobin ay dhaceyso xaalad jahweer ah oo la mid ah tii ka dhacday Afghanistan.

“Bilahan soo socda aad ayay muhiim u yihiin, haddii kale waxaanu marlabaad arki doonaa wixii ka dhacay Afghanistan markii ay ciidamada Mareykanka waddanka ka baxeen iyada oo aan diyaar garow jirin sidaa darteed tan Soomaaliya haddii ay sidaas dhacdo waxaa gebi ahaanba dhimanaya rajada dadka oo dhan.”

Horay Jabuuti iyo Kenya ayaa walaac uga muujiyay ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya waxayna markaasi sheegeen in ciidamo ka socda labada dal oo ka madax bannaan kuwa ATMIS ay geyn doonaan guadaha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here