Puntland oo Xasan Shiikh Ku Eedeysay Dagaalka Ka Dhacay Mudug

0

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu lug ku leeyahay dagaal beeleed ka dhacay Mudug oo u dhaxeeya beelo ood-wadaag ah oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Wasiirka qorshaynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa bartiisa Twitter-ku qoray in dagaalkii shalay dhexmaray maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, uu bilow u yahay dagaal saddexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaaladii Mudug ka dhacay sanadahii 2015kii- 2016-kii ay dhaceen xilligii hore ee uu madaxweyne Xasan Soomaaliya ka talinayay.

Dhinacyadii ku dagaalamay aagga Galdogob ayaa mid walba ku eedeeyay dagaalkii shalay dhacay inay ku lug lahaayeen dowladda federaalka, Galmudug, iyo Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here