Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen 3-ruux oo lagu tuhmaayo in ay kamid ah yihiin xarakada al-shabaab oo dhawaan weerar kusoo qaaday deeganka Lamu ee dalka Kenya.
Ku-xigeenka Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya Alexander Muteti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragaan gacanta lagu dhigay ay dhawaan weerar qasaaro badan dhaliyay ay kusoo qaadeen deegaanka Lamu ee dalka Kenya.
Raga ay sheegeen Laamaha amaanka dowlada Kenya in ay gacanta ku dhigeen waxaa kamid ah Jamaa Ahmed Mohamed Alias J, Mohammed Halil Hassan iyo Ahmed Hilobe Alie kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay weeraro ka fuliyeen deegaanka Lamu ee dalka Kenya.
Dhanka kale Ku-xigeenka Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya Alexander Muteti waxa uu sidoo kale sheegay in inta uu howlgalka socday ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo ku noolaa deegaanka Lamu.
Al-shabaab ayaa weeraro qasaaro badan dhaliyay ku qaaday deeganka Lamu oo kamid ah deeganada ay xiligaan gacanta ku hayaan ciidamada dowlada Kenya.

