Duqeyn Lala Beegsaday Saldhiga Al-shabaab e Degmadda Bu’aale

0

Wararka ka imaanaya degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe oo ah Saldhiga ugu weyn Soomaaliya ee Al-shabaab ayaa sheegaya in Xalay halkaasi diyaarado dagaal duqeymo culus ka geysteen.

Diyaaradaha dagaal ayaa lasoo wariyay in dhowr gantaal ay la beegsadeen xarumo kooxdu ku leeyihiin gudaha degmada Bu’aale, waxaana wararku intaasi ku darayaan in gantaalada qaar ay ku dhaceen goobo Al-shabaab shir ku lahaayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ay geysteen duqeymaha Xalay diyaaradaha dagaalka ka geysteen gudaha degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, mana jirto ilaa hada ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ay geysteen duqeymaha maadama isgaarsiinta magaaladu ay tahay mid hawada ka maqan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here