Golaha Is bedel Doonka Koofur Galbeed oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay kulan kula leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mas’uuliyiintan hore iyo siyaasiyiinta reer Koofur Galbeed ayaa saluugsan in aanay muuqan saan-saan Doorasho iyo Hirgelinta war murtiyeedkii heshiiskii Baydhabo ee lagu xaliyay xiisadii siyaasadeed ee horaantii sanadkan ka taagneyd, kaasoo lagu go’aamiyay in Doorashada guddoonka Baarlamaanka, tan Madaxweynaha la qabto horaanta sanadka 2024.
Sida aan xogta ku helnay siyaasiyiintan ayaa u aaday magaalada Dhuusomareeb sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo fariisin ka dhigtay caasimadda Galmudug.
Lama oga sida Xasan Shiikh Maxamuud u qaabili doono siyaasiyiinta diidan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabsicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

