Ciidamadda Dowladda oo Howlgal Ku Dilay Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Ciidamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ayaa maanta howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab kula wareegay deegaanada Gaadday iyo Shabeelow oo hoostaga magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgaladaasi ku dilay 25 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanadaas, sida lagu shaaciyay war kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda oo lagu baahiyay warbaahinta Dowladda in ciidamada ay howlgalada ku burburiyeen gaadiid iyo gabaadyo ay Al-shabaab ku laheyd deegaanada Gaadday iyo Shabeelow oo dhaca bariga magaalada Camaara.

Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale la sheegay in deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara iney ka sameeyeen howlgalo lagu baacsanaayo kooxda Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here