Burcad Koonfur afrikaan ah ayaa xalay Tuuladda Happy Valley oo kamid ah Tuulooyinka hoos yimaadda Magaaladda Cape town waxay ku weerareen dhalinyaro Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatadda Magaaladaas ku nool.
Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaaladda Capa town, kooxo ku hubeysnaa bastooladdo ayaa rasaas huwiyay dhalinyaradaan oo tukaamo ku lahaa Tuuladda Happy Valley ee Magaaladda Cape town dalka koonfur Afrika waxaana loogu tagay meyd ahaan.
Dhalinyaradda Dukaamadooda lagu weeraray ayaa magacyadooda lagu kala sheegay C/qaadir Macalin Maareeye, iyo Xasan Xaamuud Jaras.
Soomaalidii ganacsiyadda ku lahaa goobta uu weerarka ka dhacay ayaa usoo gurmaday waxaana loo qaaday mid kamid ah isbitaaladda ku yaala Magaaladda Capa town.
Waxaa la xaqiijiyay in dhaawicii soo gaaray uu u geeriyooday xili dambe alal ha u naxariistee C/qaadir Macalin Maareeye,halka isbitaalka wali lagu dabiibayo Xasan Xaamuud Jaras oo dhaawac culus uu soo gaaray.
Booliska goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wali wada baaritaano lagu ogaanaayo cida ka dambeysay falka dhaawac iyo dilka isugu jirey ee loo geystay dhalinyaradda Soomaaliyeed.
Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa aad uga canabaya dilalka lagu hayo, waana kuwo sheegaya in maalinba maalinta ka danbeyso ay xooggeysaneyso khatarta ay wajahayaan.
Koonfur Africa ayaa sannadkii 2015-kii noqotay dalka shanaad ee ugu dilalka badan caalamka, sida lagu sheegay macluumaadkii ugu dambeeyay ee ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo daroogada ee UNODC.

