Shirka Hannaanka Dib-U-Eegista 6-Aad Ee Deyn-Cafinta Soomaaliya Oo Nairobi Ka Furmay

0
Waxaa maanta magaaalda Nairobi ee dalka Kenya, ka furmay shirka Deyn-Cafinta Soomaaliya oo maraya heerka dib-u-geegistii 6-aad ee ah kii ugu dambeeyay ee hannaanka IMF ee loo yaqaano (ECF).
Shirkaan oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah hey’adaha Dowladda oo ay hoggaan u tahay Wasaaradda Maaliyadda, waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Qesheynta Qaranka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Cadaaladda, Guddoyada Maaliyadda ee labada gole ee Baarlamaanka JFS, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ahaa Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka xafiisyadooda Soomaaliya qaabilsan. Shirkaan oo socon doona muddo toddobaad ah waxaa xoogga lagu saari doonana dib-u-milicsiga horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka samaysay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, fursadaha dhaqaale ee mustaqbalka dhaw, caqabadaha jira iyo heerka uu marayo dadaalada ee Deyn Cafinta Soomaaliya ee gabagabada ku dhaw.
Shirkaan oo ah kan ugu dambeeya ee Barnaamijka loo yaqaan (ECF) oo ah hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah oo Soomaaliya u horseedi doono barta kama dambeysta ah oo la filayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkan 2023-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here