Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan oo gaari ku xirnaa ayaa ka dhacay xero ciidanka xasilinta ee loo yaqaan booliisa milataare ku lahaayeen degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan dhista Siisii oo kutaalla agagaarka aargada.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaari ordaya oo qaraxyo laga soo buuxiyay hal mar lagu dhuftay xerada ay ciidanka degnaayeen, waxaana qaraxa kaddib halkaasi ka bilaabatay rasaas ay ridayeen ciidanka xasilinta.
Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka Tirsan laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya, qaraxa oo gaari ku xirnaa in lala beegsaday saldhig ay Ciidamadda Boolis Malatari ay ku leeyihiin Degmadda Deyniile.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay guryo ku dhaw dhaw xerada la weeraray, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaan ambalaasta.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Al-shabab ayaa maalmihii dambe kordhiyay qaraxyadda ay la beegsadaan xiryaha Ciidamada Dowladda,waxaana dhowr qarax ay ka dhaceyn Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

