Al-Shabaab ayaa qarxiyay ceelkii Magaalada garas ee Gobolka Galgaduud ee maalin ka hor ay la wareegeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka l-shabaab ayaa qaraxyo ku xiray ceelka waxaana ku dhaawacmay mid ka yimid dhanka Miyiga, oo biyo usoo doontay Ceelka.
Dowladda Soomaaliya ayaa talaabada lagu qarxiyay ceelkii Magaaladda Ceel-garas ku tilmaamtay mid laga xumaado waxayna Al-shaabab ay ku eedeysay in dhibaato shacabka Soomaaliyeed.
“Al-shabaab ayaa saaka qarxiyay ceelkii ugu waynaa magaalada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud waxaana ku dhaawacmay qof ka mid ah dadka deegaanka oo la sheegay inuu Miyiga u dhow magaalada uu biyo ka soo doontay.
“Al-shabaab ayaa ka hor inta aanan lagala wareegin magaaladaan waxay ku xireen Qaraxyo dhammaan goobaha muhiimka ah inkastoo ciidanka dowladda markii ay galeen ay ka saareen Qaraxyo badan oo Al-shabaab ugu talagalay inuu ku dhagro Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka.
Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maalinkii Shanaad ku sugan magaalada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud, waxaana wali socda howlgalo ay ciidamadu ka wadaan magaalada iyo tuulooyinka u dhow dhow”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

