Al-shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Drone oo Wax Basaasta Mareykanka Leeyahay

0

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa gacanka ku dhigay  diyaarad drone ah gaar ahaan nooca wax basaasta oo ay leeyihiin dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageerta duqeymaha lala beegsado saldhigyadda dagaalyahanadda Al-shabaab.

 

Diyaaradaan Dronka ayaa ku soo dhacday agagaarka deegaanka Beer-xaani ee hoostaga duleedka magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

 

Dadka deegaanka deegaanka Beer-xaani ee hoostaga duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaaradda oo Fayow,islamarkaana burbur aan soo gaarin.

 

 

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabab ayaa lagu sheegay in diyaaradaan ay wax lagu basaasayay,islamarkaana ay baaritaano ku sameyn doonaan.

 

“AS ayaa gacanta ku dhigtay diyaarad drone ah gaar ahaan nooca wax basaasta oo ay leeyihiin dowladda Mareykanka oo ku soo kusoo dhacday agagaarka deegaanka Beer-xaani ee hoostaga duleedka magaalada Kismaayo,xili ay soo dhacaysa waxay waday howlo basaasnimo ah,waxaa lagu sameyn doonaa baaritaano”, ayaa lagu yiri qoraal Al-shabaab kasoo baxay.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo mareykanka oo loogu hadlaayo Dronka u gacan gashay dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

 

Lama oga waxa hogaanka Al-shabaab ay ka yeeli doonaan diyaaradda yar ee Dronka ee wax basaasta.

 

Dhawaan Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa u sheegay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ururka Alshabaab ay haatan biloowday adeegsiga tijnoolajiyadda si ay u Filish weeraro lagu hoobto.

 

Mudane Jeffrey DeLaurentis oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ergada Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Alshabaab ay haatan isticmaalayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ka si ay u sahmiyo, islamarkaasna u hesho xogo sirdoon oo ku aaddan bartilmaameedyado nugul.

 

Weerarkii Al-shabaab qaadday 30ka saacadood socday ee hotel Xayaat oo ay dad badan ku waxyeeloobeen, waxaana la sheegay in Shabaabka ay adeegsadeen tijnoolajiyadda si ay weerarkaasi u fuliyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here