Ciidamadda Dowladda oo La Wareegay Magaaladda Muhiimka ah ee Ceel-garas

0
Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa goordhaweyd la wareegay Magaaladda Muhiimka ah ee Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud.
Qoraal kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay Magaaladda isaga baxeyn ka hor inta aysan Ciidamadda gudaha u galin Magaaladda.
“Ciidamadda Dowladda ayaa howlgal ka wada Magaaladda Ceel-garas oo aheyd xuduntii Al-shabaab ee Gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday qorshe ku aadan in Ciidamadda Dowladda ay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay kasoo baxeyn kadib weerarkii deegaanka Coosweyne ee bariga Gaobolka Galgaduud oo askar badan lagu dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here