Wararka ka imaanaya Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Federaaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab in uu haatan ka socda Degmaddaas.
Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa kusoo qaaday Degmadda ay ku sugan Yihiin Ciidamadda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana haatan laga maqlayaa hubka culus sida dadka deegaanka ay Inoo sheegeen.
Dagaalka ka hor waxaa Xaafadaha magaaladda iyo saldhiga ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Degmadda ku dhacay dhowr hoobiye oo la sheegay in shabaab kusoo tuureen degmadda.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda gudaha Degmadda ay ku dagaalamayaan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.
Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ay saakay weerar xoogan ku qaadeen Degmadda Awdheegle,islamarkaana cagta la mariyay saldhigii ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Degmadda.
Al-shabaab ma aysan sheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka ka socda Degmadda Awdhiigle ee soo gaaray dhankooda iyo khasaaraha ay gaarsiiyeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfur Galbeed Soomaliya,oo loogu hadlaayo dagaalka ka socda Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-shabaab oo sanado ka hor lagala wareegay Degmadda Awdheegle ayaa mudooyinkii dambe waday qorshe ku aadan sidii gacantooda dib ugu soo celin lahaayeen waxayna ku fashilmeen weeraro ay kusoo qaadeen Degmadda oo muhiim u ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

