Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxay iska fogeeyeen duqayn geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo kasoo gaartay dad rayid ah.
Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu dilay shan qof oo rayid ah iyo saddex ka tirsan horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen hoggaamiyayaal katirsan dadka deegaanka.
Duqayntan ayaa dhacday, ka dib markii horjoogayaasha Alshabaab ay gabbaad ka dhigteen guri ay ku jiraan dad qoys ah oo ku yaalay degaanka Ceel la helay ee gobolka Galgaduud.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dad rayid ah lagu dilay, laguna dhaawacay howlgal duqayn ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud, kaasoo lagu bartilmaameesadsaday horjoogayaal katirsan Alshabaab.
“Nasiib darro, dad rayid ah ayaa lagu dhaawacay oo lagu dilay agagaarka howlgalka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay AFRICOM. “Ciidamada Mareykanka ma aysan joogin goobta howlgalka, mana aysan sameynin duqeymo dhanka cirka ah.
