Sida ay tilmaamayaan warar soo baxaya Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Dowladda Soomaliya ayaa xabsiga dhigay Saddex kamid ah saraakiisha ciidamada GORGOR, gaar ahaan Guutada 18-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xubnahaan ayaa loo xiray tuhun ku aadan weerarkii dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamadda Coosweyne ee Bariga Gobolka Galgaduud.
Ilo kala duwan ayaa sheegay in Seddexdaan sarkaal lagu xiray xarunta Nisa ee Godka Jilicow,islamarkaana halkaas lagu baarayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lala xisaabtami doono saraakiisha hogaaminaysay weerarkii deegaanka Coosweyne ee Bariga Gobolka Galgaduud ee jabka kusoo gaaray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Coosweyne ee Gobolka Galgaduud.
Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkan kula wareegtay saddex saldhig oo ku yaalla halkaasi, isla-markaana ay qabsadeen hubkii iyo gaadiidkii yaalay halkaasi.
Sidoo kale waxa ay sheegeen inay dishay illaa 178 askari, sida ay ku sheegtay bayaanka ay soo saartay oo lagu baahiyay internet-ka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkii coosweyne Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed lagu qiyaamay,islamarkaana dowladda baaritaano ku sameyn doonto.

