Kulamo u Dhaxeeyay Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiinta Hiiraan oo Lagu Kala Kacay

0

Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in lagu kala kacay kulamo ay lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan.

 

Kulamadaan oo seddex jeer dhacay ayaa la isku fahmi waayay qodobadda ay kala wateen dhinacyada Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan gaaray Degmada Maxaas.

 

Dhinacyadda Gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in la xaliyo tabashooyinka ay ka qabaan dhismaha maamulka Hir-shaballe,islamarkaana ay Dowladda Dhexe aqoonsato Maamulka Hiiraan State oo dhawaan loogu dhawaaqay Gobolka Hiiraan kadib xil ka qaadistii cali Jeyte Cusmaan.

 

Qaar kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu si cad ugu sheegay in xiligaan diyaar u aheyn ka hadalka arrimo kale lagalana shaqeeyo dagaalka xureynta dalka.

 

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka hiiraan ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday Cali jeyte Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan bilaabay in ay ka hadlaan sidii Hir-shabeelle kaga go’i lahaayeen.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Al-shabaab ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba maalin ku sugan Maxaas ayaa  kala hadlay saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo ay dadka reer Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here