Shariif Shiikh oo Si Kulul Kaga Hadlay Dagaalka Dowladda Kula Jirto Al-shabaab

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu garab taagan yahay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab,balse aan laga aamusi karin qaladaadka laga galo ciidamada Qalabka Sida.

 

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayaa ugu horeyntii waxa uu ka hadlay mowqifkiisa arrimaha la dagaalanka Alshabaab.

 

Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan Argagaxisada.

 

Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore.

 

Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda.

 

Markale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen.

 

Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here