Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalka Dowladda Soomaaliya ay kula jirto dagaalyahanada Alshabaab,oo intiisa badan guulo laga gaaray.
Qoraalka uu soo saaray madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u qornaa:-
“Dagaalka Ciidamadda Qalabka sida iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.
Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo Al-shabaab inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah Al-shabaab.
Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan Al-shabaab, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah.”

