Magaaladda Ankra ee dalka turkey-ga waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif sheikh Axmed iyo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo).
Kulankan oo uu dalbaday Farmaajo ayaa ujeedadiisu ahayd in Madaxweyne Farmaajo cafis ka dalbado Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, gaar ahaan dhacdooyinkii dhacay mudaddii uu xukunka hayay madaxweyne Farmaajo sida weerarkii Hotel Maa’idda iyo xanibaaddii diyaaradaha.
Kulankaan ayaa la sheegay in labo jeer uu dhacay,waxaana markii dambe ku biiray Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dagaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Kulanka labadda Madaxweyne ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dagaal xooggan kula jirto Al-shabaab.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Hore Maxamed C/laahi Farmaajo uu xiligaan doonayo isbaheysi siyaasadeed oo gudaha dalka ah,si doorashadda soo socota uu guulo ugu keeno.

