Puntland ayaa shaacisay in sarkaalkii shabaab ee shalay isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya uu ku eedeysan yahay dilal loo geystay Mas’uuliyiin ka Tirsanaa Puntland oo ka howlgalayay Magaaladda Gaalkacyo.
Qoraal kasoo baxay ciidanka PSF ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ee Nuurdeeq uu dambiyo waa weyn ka geestay gobolka Mudug, waxa ayna ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilal loo geestay masuuliyiin iyo saraakiil.
Ciidamada PSF ee Puntland ayaana shaacisay in Nuurdeeq ku lug lahaa dilal loo geestay taliyihii hore ciidamada milatariga qeybta 21-aad, guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Puntland,duqii hore ee Gaalkacyo Puntland iyo taliyihii Danab ee gobolka Mudug.
Qoraalka kasoo baxay ciidamada gaarka ee Puntland ayaa lagu sheegay in sargaalkan uu isa soo dhiibay markii uu waayay gabbaad, waxa ayna dalbadeen in ninkan la horgeeyo caddaalladda oo lagu qaado dambiyadii uu galay.


